Somali News

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Sool

Laascaanood-KNN-Isbitaal Manhal oo ku yaala magaalada Laascaanood ee gobolka Sool waxaa haatan lagu dabiibayaa dhaawaca Afar caruur ah oo ku dhaawacmay Qarax Miino kula qaraxday deegaanka ay colaaduhu hala keeyeen ee Tukaraq oo dhaca bariga gobolka Sool.

Duleedka deegaanka Tukaraq ayaa la sheegay Miino nuuca dhulka lagu aaso in ay kula qaraxday Afarta Caruurtaa oo isku qoys ka soo jeeday,waxaana la sheegay in ay xiligaas la joogeen Xoolaha reerka oo  reer Miyi ah.

Tukaraq oo sanadihii danbe ay ku dagaalamayeen Ciidamo kala taabacsan  Puntland iyo Somaliland, ayaa waxaa haatan ka soo cusboonaaday colaadii ka dhaxeysay labadaasi maamul oo mudooyinkii danbe rajo laga qabay in xal laga gaaro.

Deegaanka Tukaraq iyo deegaano kale oo hoos taga oo ka tirsan gobolka Sool ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu dagaal ku dhex maray Ciidamada Puntland iyo Soomaaliland, kuwaas oo wali isku hor fadhiya deegaanadii ay dagaaladu ku dhex mareen.