Somali News

Qarax loogu xiray gaari uu watay Injineer Turkiga oo u geeriyooday.

Muqdisho-KNN-Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay ka soo baxayaan qarax gaari oo maanta ka dhacay inta u dhexeysa Isgoysyada Taleex iyo KM4 ee wadada Maka Al- Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa nooca Dhejiska waxaana lagu xiray gaari HILUX ah oo uu watay Injineer Turki ah, iyadoo si gaar ah gaariga ugu qarxay ka soo horjeedka Jaamacada City ee Magaalada Muqdisho, sida uu KNN u sheegay qof goobjooge ah.

Injineerka Turkiga oo dhaawac ahaan goobta looga qaaday, ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Turkidu Maamulaan ee Digfeer, halkaas oo xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxii maanta ka dhacay Isgoyska Taleex ee Magaalada Muqdisho.