Somali News

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Balcad

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka shabeelada dhexe ayaa sheegaya in labo qarax oo nooca miinada lala beegsaday ciidamo ka tirsan milatariga soomaaliya, kuwaasi ku sugnaa kontorool ku yaala wadada laga soo galo degmadaasi.


Inta la xaqiijiyay labo qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka 8 kalana ay ku dhaawacmeen,oo isugu jira shacabka iyo ciidan.


Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in labo qarax oo nooca miinada ah ay ka maqleen gudaha degmada Balcad ee gobolka shabeellada dhexe.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa halkaasi ka bilaabay baaritaanka la xiriira qaraxan, waxayna xireen goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ilaa iyo hadda qaraxan kama aysan hadal Taliska ciidanka xoogga ee ku sugan Gobolka Shabeelada dhexe iyo Maamulka degmada uu qaraxani ka dhacay ee Balcad.

Wadada xiriira Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa dhowr mar ay Al-Shabaab ka geysteen weeraro jidgal ah,waxaana taasi ay sababtay in dowladda Soomaaliya ay dejiso Ciidamo amniga xaqiijiya