Somali News

Qarax ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaarayo duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeyso jaamacaddii hore ee lafoole iyo buundo carbiska ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka dhacay  qarax miino oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay halka labo kale ay ku dhaawacmeen ka dib markii Gaari yar oo ay wateen uu qarax haleelay.

Gaariga qaraxa lala beegsaday ayaa waxaa watay nin dadka degaanka kamid ah oo  magaciisa lagu soo koobay shacbaan oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Dadka dhintay ayaa waxaa ay kala yihiin wadahii gaariga shacbaan oo ahaa ninka qaraxa lala beegsaday iyo seedigiis,halka dadka dhaawacmay ay kala yihiin wiil isaga la dhashay iyo Hooyadii.

Ciidammo ka tirsan dowladda ayaa halkii uu qaraxa ka dhacay gaaray iyagoona goobta ka qaaday dadka dhintay iyo dhaawaca.