Somali News

QM oo dalbatay in aanan lagu xadgudbin xuquuqda dadka, iyada oo dagaal looga dhawaaqay dalka Suuriya.

Muqdisho-KNN-Madaxa Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa uqabilsan dalka Suuriya mudane Staffan de Mistura ayaa ugu baaqay dowladda Suuriya iyo kooxaha mucaaradika ahba, in aAnan lagu xadgudbin xuquuqda aadanaha.

Staffan de Mistura ayaa codsaday in fursad loo siiyo hay’adaha gar-gaarka ka shaqeeya si ay gobolka ay dadka rayidka ah uga soo daad gureeyaan.

Gobolka Idlib oo kamid meelaha ay ku xooganyihiin kooxaha mucaaradka ayaa dawladda Suuriya waxa ay ku dhawaaqday in gabi ahaanba gobolka ay ka saari doonto waxa ay ugu yeertay kooxaha Argagaxisada ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergie Lavrov oo gulufka Idlib ka hadlay ayaa waxa uu ugu yeeray Argagaxisada  ku eedeeyay in dadka rayidka ah ay gabaad ka dhiganayaan.

Ugu danbeyn Qaramada Midoobay walaac aan la dhayalsankarin ayay ka muujinaysa in la isticmaalo hubka Chemical-ka ah inta uu socdo weerarka Idlib.