Somali News

QM oo hambalyo ku aadan Ciidul adxaa u dirtay Shacabka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed ka soo baxay  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa hambalyo ku aaadan muanasabadda ciidul Adxaa u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalka kasoo baxay James Swan ayaa lagu yiri” Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay dhammaan Soomaalida u direysaa hambalyada ciidda.

“Waxa ay bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya la wadaageysaa Soomaalida dabbaal-degga Ciidul Adxa, iyada oo uu jiro dareen ah dib-u-heshiin, niyad wanaag iyo nabad. Ciid Wanaagsan,”ayuu yiri James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya.