Somali News

QM oo ka digtay macaluul iyo nafaqo darro ku soo fool leh Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Qaramada Midoobay ayaa ka digtay macaluul iyo nafaqo darro ay sheegtay inay ku soo fool leedahay in ka badan 2 Million oo qof oo Soomaali ah bilaha ugu dambeeya sanadkan 2019-ka.

Warbixin ay soo saareen ururada hoos taga Qaramada Midoobay ee qaabilsan raashinka, bani’aadamnimada iyo qiimaynta xaaladaha abaaraha ayaa lagu sheegay in macluushaas ay sabab u tahay  dib u dhac ku yimid xiliyadii la filayay in Soomaaliya uu roob ka da’o.

Sidoo kale Wabiyada Soomaaliya ayey sheegtay hey’addu inay biyo yareeyeen, iyadoo saadaasheeda ku sheegtay inay taas ka dhala karto macaluul iyo nafaqo darro ka dhacda Soomaaliya.