Somali News

Qof dhaawac ah oo lagu dhax dilay Isbitaalka Keysaney.

Muqdisho-KNN-Shaqaaqo ayaa maanta ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxayna sababtay geeri xanuun badan oo gudaha Isbitaalka Keysaney ka dhacday.

Shaqaaqada ayaa ka dhacday, Ceelka Cali Geedi ee degmada Kaaraan, waxayna u dhaxeysay laba maleeshiyo, oo degmadaasi dagan, isku dhacyada labada dhinac ayaa sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Mid ka mid ah dadkii dhaawacmay oo la geeyay Isbitaalka Keysaney ayaa waxaa uga daba tagay Koox hubeysan oo dhaawac oo yaala qeybta deg deg, ku dhameestirtay Saaladii uu saarnaa.

Waxaaa la soo sheegayaa iney isku dhaceyn Kooxdii weerarka soo qaaday, iyo ilaalada Isbitaalka, hada waxaa aagaas ku sugan Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.