Somali News

Qoor Qoor oo soo saaray digniin la xariirta shirka Dhuusamareeb-3, Daawo

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo galabta u ambabaxay dalka Turkiga ayaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho warbaahinta kula hadalay, waxuuna faahfaahin ka bixiyey shirka 15-ka bishan ka furmaya Dhuusamareeb iyo arrimo kale.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in shirku uu ku qabsoomi doono waqtigiisa, isagoo dhinacyada shirkaas uu khuseeyo iyo Soomaalida oo dhan ugu baaqay inay waqtigaan adag tixgeliyaan, isla markaana ka fogaadaan wax kasta oo shirkaas dib u dhac ku keeni karana.

Qoor Qoor ayaa warbaahinta u sheegay in safar shaqo uu ugu amba-baxayo dalka Turkiga oo maalmo kooban uu ku maqnaan doono, isla markaana mudada shirka ka hor uu tegayo Dhuusamareeb, sidoo kale guddi farsamo ayuu sheegay in uu u xilsaaray qabsoomidda shirkaas oo 15-ka bishan la isugu tegi doono Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxuuna sheegay in safarka uu ku joogay Muqdisho uu ku saabsanaa sidii uu madaxda ugala hadli lahaa ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb-3, isla markaana ay haatan wax kasta ku socdaan si caadi ah.

Sidoo kale intii uu joogay Muqdisho waxa uu sheegay in uu kula kulamay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug oo uu kala hadlay dhaqan gelinta heshiisyadii shirkii Hobyo oo ay ugu horeyso dar-dar gelinta dhismaha dekedda Hobyo, waxuuna sheegay in haatan meel fiican ay wax u marayaan.

https://www.facebook.com/GalmudugSHouse/videos/2895299030582215