Somali News

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabis sameeyay

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoor qoor ayaa lagu magacaabay Cabdisamad Salaad Aadan oo noqonaya guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Dhuusamareeb.

Sidoo kale, Madaxweyne Qoor qoor ayaa faray hay’addaha kala duwan ee Galmudug inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub si buu yiri uu u guto waajibaadka shaqo ee loo xil saaray.