Somali News

Qoysas uga barakacay gobolka Hiiraan fatahaadda webiga Shabelle

Beledweyne-KNN-Wararka naga oo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ay qoysas uga barakaceen fatahaad uu sameeyay webiga Shabeelle .

Wararka ayaa sheegaya in fatahadda webiga ay gobolka Hiiran uga barakacen qoysas hor leh.

Tuulooyin dhaca dhanka Waqooyi ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka bilowday barakac.

Mamulka gobolka Hiiraan ayaa wada dadaallo ay uga hortagayaan saameyn uu gayto webiga Shabeelle .

Waxaa jirta in guddiga u xil saaran ka hor tagga fatahaadaha ay carro tuur u sameeyeen gararka webiga , si saameyntiisa ay u yarato.