Somali News

Qoyska Cali Khaliif oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo meydka Marxuumka

Qoyska Raysal wasaare hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galayr ayaa dalbaday in baaritaan dhab ah lagu sameeyo meydka Marxuumka, iyaga oo tilmaamay in uu u dhintay cunto uu ku xanuunsaday.

Mukhtaar Xaamud oo kamid ah qoyska Cali Khaliif Galeyr oo la hadlay BBC ayaa Sheegay in marxuumka Caloosha laga qabtay kadib markii uu ku sumoobay cunto uu cunay.

Sidoo kale Mukhtaar ayaa sheegay in ay dalbadeen baaritaam lagu sameeyo marxuumka si ay u oggaadaan axa Sababay dhimashada deg dega ah ee ku timid Ra’iisul wasaarihii hore Cali Khaliif Galeyr.

“Anaga ayaa codsaneyna in naloo baaro. Baaritaanka dambe waxaa lagu sameynayaa meeshii la isla qaata ama meesha loo qaadayo ee lagu aasayo ee macquulka noqota,” ayuu yiri Mukhtaar Xaamud oo ka mid ah ehelka marxuumka.

Mukhtaar wuxuu sheegay in geerida Cali Khaliif loo aaneynayo cunto uu ku xanuunsaday oo aanay rumeysneyn in uu u dhintay cudurka Covid-19.

“Covid-19 waa naloo sheegay in uu u geeriyooday laakiin anagu arrintaas mid aan aamisanahay ma aha”, ayuu yiri.

Meydka Marxuum Cali ayaa habeenkii labaad ku baryaya Jigjiga, waxaana dib u dhac ku yimi qorshe la filayey in Xamar lagu keeno si Aas-qaran halkaasi loogu sameeyo.