Somali News

R/W Itoobiya oo sheegay in la dhameeyay Khilaafkii u dhaxeeyay masuuliyiinta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Muqdisho-KNN-Reysal Wasaaraha dalka Itoobiya Aby Ahmed ayaa sheegay in la soo gaba-gabeeyay khilaaf ka taagnaa Ismaamulka Soomaalida Itoobiya  kadib wadahal maalmo qaatay oo ka dhacay magaalada Adis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu Abiy Axmed ku sheegay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Mas,uuliyiinta ugu sareyso Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, dhawaana ay bilaaban doonaan fulinta waxyaabihii lagu heshiiyay.

Abiy ayaa qoraalkaasi soo raaciyay Sawir uu la galay Wasiirka Maaliyada Itoobiya ahna gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Dowlad deegaanka Soomaalida Axmed Shide, iyo Madaxweyne Mustafa Cagjar.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa magaalada Adis-ababa waxaa ka dhacay dhowr shir oo qaarkood laysku fahmi waayay, warar la helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Cagjar loo madaxbaneeyay go’aanada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.