Somali News

R/W Kheyrre oo ka hadlay Weerarkii maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Raysal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa ka hadlay weerarkii ay Al-shabaaab maanta ku qaadayn dhismooyin ay daganaayeen 2 kamid ah Wasaaradihiisa iyo qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir.

Muuqaal laga soo dubay Raylsal Wasaare Kheyrre oo lagu baahiyay baraha Bulshada ayuu kaga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed dadkii wax ku noqday weerarkaas, isagoo si gaar ah uga tacsiyeeyay Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo sidoo kale ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.