Somali News

R/W Rooble oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib safarkii uu ku tegay Kuwait

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay dalka, kadib safar uu maalmo ka hor ku tegay dalka Kuwait.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dalkaas u tegay ka qeyb-galka tacsi loo sameeyay Amiirkii Kuwait oo 29-kii bishii hore ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Rooble ayaa inta uusan dalkaas kasoo bixin maanta waxa uu booqday xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalka Kuwait, halkaas oo uu waribixin uga dhageystay safiirka iyo mas’uuliyiinta safaaradda, isagoo ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan, sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiska Rooble.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kuwait Cabdullaahi Maxamed Odowaa ayaa ka warbixiyay booqashada Ra’iisul Wasaarre Rooble ku tagay safaaradda Soomaaliya ee dalka Kuwait.

https://www.facebook.com/1968423146722143/posts/2814119495485833/?sfnsn=mo