Somali News

R/wasaaraha Britain oo ka badbaaday Mooshin loogu qaadayay codka kalsoonida.

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaaraha Britain Therese May ayaa ka badbaaday Mooshin codka kalsoonida ah loogu qaadayay kaas uu soo gudbiyay hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Shaqaalaha.

Mooshinka codka kalsoonida ah loogu qaadayay Ra’iisul wasaare May ayaa kusoo beegmay maalin uun kadib markii ay guuldaro wayn kala kulantay Baarlamaanka dalkaasi oo kasoo horjeestay meel marinta heshiiskii ka bixitaanka midowga Yurub.

Ra’iisul wasaare Therese May ayaa kulamo laqaadatay hogaamiyaasha axsaabta mucaaradka kadib markii ay kabadbaaday Mooshinkii codka kalsoonida ah loogu qaadayay iyadoona ka dalbatay in si wadajir ah ay iskula shaqeeyaan.    

Shacabka UK oo u codeeyay in ay iskaga baxaan midowga yurub ayaa lagu wadaa in markii lagaaro bisha maarso ee sanadkan ay gabi ahaan UK iskaga baxdo midowgaas iyadoona ay jirto cabsi laga qabo in Britain ay midowgaas ka baxdo iyadoona lagaarin wax heshiis ah.