Somali News

R/wasaaraha Masar oo soo gaaray Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Masar Mustafa Madbuuli.

Wafdigan ka socda dalka Masar ayaa ka qeyb galaya caleemosaarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Daqiiqado ka hor ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Shakhbout Bin Nahyaan

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona haatan ay socoto diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu qabanayo xaflada caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud