Somali News

SAWIRO:-R/wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Kenya oo maanta kulan yeeshay.

Muqdisho-KNN-Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku kulmeen Madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta.

R/wasaare Kheyre ayaa madaxwaynaha Kenya waxaa uu u muujiyay sida ay muhiim u tahay in loo midoobo xasilinta iyo nabadaynta gobalka ayaa dawladda Kenya u ballan qaaday in Soomaaliya ay ku garab taagantahay dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

Madaxwayne Kenyatta ayaa bogaadiyay wadada saxda ah ee Soomaaliya ay ku taagantahay dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo xariirka wanaagsan ee ay la leedahay bah-wadaagta caalamka, waxa uuna ballan qaaday in Kenya ay sii wadi doono taageeradeeda dadaallada caalamka ee dalka Soomaaliya lagu xasilinayo, dibna loogu dhisayo.

Sidoo kale waxaa ay ka wadahadleen dhibaatada ay ciidamada Kenya ay dhawaan ka geysteen Gobalada Jubbooyinka.

Labada masuul ayaa waxaa ay isku afgarteen in arintaasi la baaro, islamarkaana arimaahasi wax la qabto.