Somali News

R/wasaare Rooble iyo Mucaaradka oo caawa shir ugu socda Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa hoteel Jaziira kulan kula leh xubnaha midowga musharaxiinta Micaaradka ah.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo muranka ka taagan doorashooyinka.


Kulankan ayaa daba socday shir xalay ay ku yeesheen magaalada Muqdisho R/wasaare Rooble iyo midowga musharaxiinta mucaaradka ah.

Shir xalay ka dhacay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho ayaa lagu kala saxiixday lix qodob, kaasi oo heshiis looga gaaray rabshadihii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishan iyo banaanbaxyadii ay dowladdu diiday, mucaaradkuna doonayeen inay qabtaan maanta, balse la baajiyay.

Sidoo kale dhinacyada ayaa ku heshiiyay S guddi ka kooban lix xubnood oo kala metelaya labada dhinac, kaasi oo loo saaray baaritaanka wixii dhacay Jimcihii hore.