Somali News

R/wasaare Rooble iyo mucaaradka oo goordhow shir ugu furmay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray hoteelka Decale, halkaas oo ka socda shir u dhaxeeyo isaga iyo xubnaha midowga musharaxiinta mucaaradka ah

Shirka ayaa hada waxaa ku sugan oo ka qeyb-galaya, R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Madaxweyne hore Xasan Shiikh Maxamuud, Daahir Maxamuud Geelle, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle.


Shirka ayaa labada dhinac waxaa ay uga hadlayaan xaaladda cakiran ee uu dalku marayo , dhacdooyinkii dhacay 19-kii Bishaan iyo sidii loo baajin lahaa banaanbaxa ay Musharixiinta ku dhawaaqeen inay qabanayaan Maalinta Berito ah


Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ka baaqsaday shirka Decale ee u socda Midowga Musharaxiinta, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle