Somali News

R/wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Axmed Cabdinuur

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu ka hadlay geerida ku timid allaha u naxriistii Rug cadaa saxaafadeed Axmed Cabdinuur oo ku geeriyooday magaalada London.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa horeyn uga tacsiyadeeyay asxaabtii iyo ehelladii uu ka geeriyooday marxuumka, isaga oo alle uga baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, asxaabtii iyo ummadda Soomaalieed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee wariye Axmed Cabdinuur oo ka mid ahaa tiirarka Warbaahinta Soomaaliyeed. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Fardowso ka waraabiyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo.” ayuu yiri R/wasaare Rooble.

Axmed Cabdinuur, oo Soomaalidu ayaa la xaqiijiyay inuu u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19, waxaa uuna ka shaqeeyay Radio Muqdisho iyo laanta afka soomaaliga ee BBC-da