Somali News

R/Wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Cabduqaadir Mursal

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu ka hadlay geerida ku timid Rug cadaa saxaafadeed Cabdulqaadir Maxamed Mursal oo ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Maxamed Xasan Roob ayaa horeyn uga tacsiyadeeyay asxaabtii iyo ehelladii uu ka geeriooday marxuumka, isaga oo alle uga baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo.

Allaha u naxariisto saxafigii weynaa marxuum Cabdulqaadir Maxamed Mursal oo ku geeriyooday dalka Mareykanka, waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, bahda saxaafadda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Marxuum Mursal waxa uu kaalin weyn ka soo qaatay horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed”.