Somali News

R/wasaare Rooble oo shir ku casuumay madaxda maamul goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo ka dhici doono magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa la isaga wareysan doonaa howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.


Qorshaha shirka ayaa ah inuu dhaco maalinta sabtiga ah, iyadoona shirka lagu falanqeyn doono sida ugu wanaagsan ay ku dhici karaan doorashooyinka.

Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koofur galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.