Somali News

Rag loo qabtay Weerarkii Nairobi

Muqdisho-KNN-Weerarkii Talaadadii ay qaar katirsan dagaalamyaasha al-Shabaab ku qaadeen hotelka raaxo oo ku yaalo galbeedka caasimada Kenya ee Nairobi ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan kororka qasaaraha ka dhashay weerarkaas.  

waxaa kor u kacay tirada dadkii ku dhintay weerarkaasi oo lagu sheegay in ay kabadan yihii 21 ruux halka sidookale ay jiraan dadwali aanan lagu haynin raq iyo ruuq toona kuwaas oo markii ugu danbeeyay ku sugnaa aaga uu weerarku ka dhacay.

Ciidamada amaanka Kenya ayaa wali wada baadigoob ay ugu jiraan helitaanka dad gaaraya 50 ruux oo dhamaantood lagu waayay weerakii ay al-shabaab ku qaadeen dhismaha hotelka Dubin eek u yaalo caasimada Nairobi.

Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyada weerarka ayaa sheegay in ay uga gon lahaayeen u aargudida shacabka falastiiniyiinta kadib markii madaxwaynaha mareykanka dabayaaqadii sanadkii 2017’dii uu Qudus u aqoonsaday in ay tahay caasimada rasmiga ah ee Yahuuda.

Weerarka kadib baaritaano ay sameeyeen ciidamada amaanka dowlada Kenya ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen tuhunsayaal looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen weerarkii ugu dambeeyay ee kadhacay Nairobi.

Sida uu sheegay madaxa qaybta dambi barista booliska Kenya George Kinoti, labo ruux ayaa loosoo qabtay in ay ku lug lahaayeen weerarka labdaas oo mid kamid ah ay tahay haweenay.

Sidookale kooxda dambi baarista Kenya ayaa sheegtay in ay soo xireen nin latuhunsanyahay in uu yahay maskaxdii ka dambeesay weerarkii ay al-shabaab ku qaadeen Dusit Hotel galabnimadii Talaadada iyagoona intaasi sii raaciyay in uu bixiyay qarashaadkii ku baxay weerarka.

Sida ay booliska dalka Kenya lawadaageen Tv’ga Citizen ninkan ayaa waxa uu ku noolaa guri yaala magaalada Mucatha, halkaas oo looga lahaa lacagta kirada guriga uu daganaa oo gaarayso 40,000 oo shilin lacagta Kenya.

Weerarka Talaadadii ka dhacay hotelka Dusit xaafada Westland ee galbeedka caasimada Nairobi ayaa noqonaya kii labaad oo ay al-Shabaab ka fuliyaan caasimada Kenya markii laga tago weerarkii bishii December sanadkii 2013’kii ay ku qaadeen Westgate Mall kaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya 67 qof.