Somali News

Raggii loo haystay Kiiskii Caa’isha Ilyaas oo Maanta xukun dil ah lagu riday

Garowe-KNN-Maxkamadda darajada koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa maanta la horgeeyay 10 eedeysane oo loo heystay kufsi iyo dil Bishii Feberaayo ee sanadkaan waqooyiga Magalada Gaalkacyo loogu geystay marxuum Caa’isho Ilyaas Aadan

10kii eedeysane oo maanta lahor geeyay Maxkamadda ayaa Todoba ka mid ah danbi lagu waayey lana siidaayay, halka Seddax kale ay maxkamaddu ku riday xukun dil ah.

Sheikh Cabdinuur oo ah Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Nuugaal ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda ee ku Aadan kiiska Caa’isho Ilyaas Aadan,  waxuuna  sheegay in eedeysaneyaasha kala ah Cabdifataax Cabdiraxman Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige lagu xukumay dil toogasho ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu ku dhawaaqay in Todoba ka mid ah ragii loo heystay kiiska Caa’isha wax danbi ah lagu waayay maxkamadduna ay sii deysay.

Halkan ka dhageyso