Somali News

RW Khayre oo la kulmay Haweenka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug kulan kula yeeshay qaar kamid ah haweenka ku nool magaalada.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Haweenka Dhuusamareeb ayaa looga hadlay diyaar garowga gogosha dib u heshiisiinta Galmudug ee la dhigay caasimadda Galmudug iyo in haweenku ay si buuxda uga qayb qaataan dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug, ayna soo dhaweeyaan martida magaalada imaanaysa, lana shaqeeyaan laamaha amniga dowladda federaalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo haweenka uu kulanla la yeeshay uga mahadceliyay firkadaha wanaagsan ee ka qayb qaadayana dhismaha iyo dhamaystirka hey’adaha kala duwan ee maamulka Galmudug, waxa uuna haweenka Soomaaliyeed ku ammaanay dowrkooda badbaadinta jiritaanka qarannimada, dib u heshiisiinta dalka, is dhexgalka  iyo abaabulka Bulshada, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay laba jibbaaraan dadaallada horumarinta bulshada.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay haweenka oo ay goob joog ka ahaayeen madaxa fulinta Galmudug iyo xildhibaanno ayaa qayb ka ah kulamo uu bulshada qaybaheeda kala duwan kula yeelanayay deegaannada Galmudug oo mudda toddobaad ah uu ku joogay safar uu qorshihiisu ahaa dardar-gelinta qorshaha dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.