Somali News

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Goordhow gaaray Garoowe

Muqdisho-KNN-Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow gaaray Magaalada Garoowe,iyadoo halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wafdiga R/wasaare Kheyre ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe.

Horey waxaa magaalada Garoowe u gaaray Madaxweynayaasha Maamulada Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland.

Amaanka Magaalada Garoowe ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka la dhigay ciidamo aad u fara badan.

Maalinta beri ah ayaa Magaalada Garoowe waxaa ka furmi doono shir u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ka jira dalka.