Somali News

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo ka hadlay shirkii Garowe Shacabkana ka dalbaday in ay madaxda garab istaagaan

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay shirka magaalada Garowe uga socda madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweyne Farmaajo, Ra’iiusl Wasaaraha Kheyre iyo madaxda maamul gobaleedyada dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa madaxda ugu hanbaliyeeyay shirka ay uga wada tashanayaan aayaha dalka, waxa uuna ka rajeeyay in shirkaas ay kasoo baxdo natiijo wanaagan oo wax u tarta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku tilmaamay shirka mid guul ah oo ku socda si habsami leh, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbayday is garab istaagaan madaxda dalka una duceeyaan.