Somali News

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo u ambabaxay dalka Turkiga

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabullaahi, iyo maareeyaha dekadda Muqdisho, Axmed Maxamed Maxamuud ayaa kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka hoggaaminayo ee u baxay dalka Turkiga.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa inta uu joogo Turkiga waxa uu kulamo la qaadanayaa mas’uulyiin kamid ah dawladda Turkiga.