Somali News

Ra’iisul wasaare Rooble oo hambalyo u diray ciyaartooyda gobolka Banaadir

R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe ayaa maanta hambalyo u diray kooxda kubbadda cagta ee Gobolka Banaadir oo ku guuleysatay koobka kubbadda cagta ee  dowlad goboleedya iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo galabta lagu soo gaba gabeeyay garoonka kubadda cagta ah ee Eng Yariisow ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Rooble oo qoraal kooban ku soo daabacay bartiisa Facebook ayaa yiri sida:

” Waxaan hambalyo u dirayaa Kooxda Kubbadda Cagta ee Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Kubbadda Cagta Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.Waxaan kaloo ku bogaadinayaa kooxihii tartanka ka qeyb galay ciyaar wanaaggii ay muujiyeenWaxaa ammaan mudan intii ka shaqeysay qabanqaabada kooban xiisaha badnaa iyo taageereyaashii dhiirrigalinta la garab joogay’’

10 sano kadib waa markii ugu horeysay uu Gobolka Banaadir ku guuleystay tartanka ciyaaraha kubada cagta ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.