Somali News

Ra’iisul Wasaare Xamse “Ciidamadeena si casri ah ayaan u qalabeynayna si ay Al-shabaab uga adkadan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre ayaa ka hadlay cunaqabateynta hubka ee laga qaaday dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen, maadaama la ogolaaday in cunaqabateynta laga qaado.

“Waxaan awood u yeelaneysa in aan ciidamadeena u qalabeeno sida ugu casrisan, si awood ugu yeeshaan ku guuleysiga dagaalka Al-shabaab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka oo saarnayd dalkeena ilaa 1992.