Somali News

Ra’iisul wasaare Xamse oo kormeeray ciidamada suga Amniga Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) ee ku sugan xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan ciidanka xasillinta ee sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda muddo gaaban.

“Waxaan idin kugu imid si aan u qiro kartidiina iyo dhiiggiina aad u hurteen dalkiinna, gaar ahaan caasimadda Qaranka, waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u badesheen wajigii ay lahayd magaalada Muqdisho. Maalintii aad timaadeen ayaa ugu danbeysay magaaladaan wajigii foosha xumaa, taas oo ku timid dhiiggiina aad hurteen iyo geesinimadiina”.Ayuu yiri R/Wasaare Xamsa oo la hadlayey ciidanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa Xerada Hiil-weyne, wuxuu kulan looga hadlayay dardargelinta amniga caasimadda la qaatay hey’adaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir.