Somali News

Ra’iisul wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan looga hadlay amniga dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen Madaxda hey’adaha amniga.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo warbixinno ka dhageystay Wasaaradda Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay in Xukuumadda ay ahmiyad gaar ah u leedahay sugidda amniga guud ee dalka, dib u xoreynta  iyo xaqiijinta difaaca qaranka ee halis kasta oo ka iman karta gudaha iyo dibeddaba.