Somali News

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Hindiya oo geeriyooday

Delhi-KNN-Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Hindiya Atal Bihari Vajpayee ayaa u geeriyooday xanuun daba-dheeraaday, sida ay tilmaameyso xog cisbitaalka laga soo xigtay.

Mr Vajpayee ayaa tan iyo bishii june waxa uu la xanuunsanaa caabuqa kilyaha haleela iyo dhibaatooyin xaga neef mareenka ah.

Saaka aroortii ayey soo baxeen warar sheegaya in ay liidato xaalada Vajpayee oo 93 jir ahaa, iyada oo ay ku soo booqdeen siyaasiyiin sare machadka cilmiga caafimaadka ee All india, gudaha delhi.

Atal Bihari Vajpayee ayaa Hindiya 3 goor ka soo noqday wasiirka koowaad, 13 cisho oo 1996-dii ah, 11 biloow oo ah intii u dhaxeysay 1998-1999-kii iyo 1999 ilaa 2004-tii, xilliga uu maamulka hayayna isbadallo aan Hindiya horay uga dhicin ayuu sameeyay.

Waxa uu tilmaan u ahaa horumarka Hindiya ee dhinaca barnaamijka nuclear-ka, waxa uu amray tijaabooyinkii hubka ee 1998-dii, taasoo abuurtay baqdin ah in dagaal la isku adeegsdao nuclear uu ka dhex qarxo Hindiya iyo Pakistan.

Inkastoo, markii danbe uu gundhig uu unoqday nabad la gaaristii Islamabad,

2005-tii, Waxa uu ka fariistay siyaasadda, waxaana 2009-kii haleeyay cudurka faaliga ee maskaxda dhiigga ku fura,tan iyo wixii intaa ka danbeeyayna waxa uu la daalaa dhacayay xanuunno iyo gabaw isbiirsaday.