Somali News

Ra’iisul wasaarihii hore ee Japan oo geeriyooday

Ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa ku geeriyooday isbitalka maanta oo Jimce ah saacado kadib markii la toogtay isaga oo ku sugan goob uu ka socday olole doorasho, waxaa sidaas weriyey warbaahinta gudaha.

Ayada oo soo xiganeysa xubin sare oo ka tirsan xisbiga Abe ee Liberal Democratic Party ayaa warbaahinta qaranka ee NHK waxay tiri “ra’iisul wasaarihii hore wuxuu ku dhintay isbitalka magaalada Kashihara ee gobolka Nara, halkaasi oo lagu daweynayey. Wuxuu ahaa 67 jir.”

Geerida ayaa waxaa sidoo kale weriyey warbaahinta kale ee Japan sida wakaaladaha wararka Jiji iyo Kyodo.

Dilka siyaasiyigii ugu caansanaa Japan ayaa imanaya ayada oo Japan ay leedahay mid ka mid ah xeerarka ugu adag ee xakameynta hubka, iyo ayada oo uu socday ololaha doorashooyinka deegaanka ee dhacaya Axadda.