Somali News

Raysal wasaaraha Japan oo lagu wado in uu maanta is casilo

Muqdisho-KNN-Raysal wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa lagu wadaa inuu is casilayo sababo la xiriira xaaladdiisa caafimaad sida ay sheegtay warbaahinta gudaha ee dalkaasi.

Raysal wasaaraha ayaa muddo sanado ah la xanuunsanaa gaaska caloosha ku dhaca, balse waxaa la aaminsan yahay in xaaladdiisa ay ka sii dartay maalmihii dambe.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay, in Mr Abe uu doonayay inuusan rabin in dowladdiisa uusan la rabin in ay horseeo dhibaatooyin.

Mr Abe ayaa waxa uu noqday raysal wasaarihii ugu muddada dheera dalkaasi Japan, kaddib markii uu xafiiska la wareegay sannadkii 2012-kii.

Xanuunkan ayaa waxaa la sheegay in uu aha mid uu la daalaa-dhacayay ilaa iyo yaraantiisii, toddobaadkan gudihiisa ayaa waxaa la sheegay sidoo kale in uu booqday isbitaal Labo jeer.