Somali News

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hambalyo u diray dhalinyarada Soomaaliyeed

Muqdisho-KNN-Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa dhalinyada Soomaaliyeed waxa uu ugu hambalyeeyay , maalinta dhalinyarada Adduunka.

Khayre ayaa waxa uu tilmaamay in Soomaalidu ay u badan yihiin dhalinyaro,isla markaasina uu ku xiran yahay horumarka dalka in la maal geliyo dhalinyarada.

Waxa uu sidoo kale ku yiri qoraal kooban, oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga in dalkeena Soomaaliya ay samatabixin karaan dhalinyarada.

Maanta oo kale 12 bisha August ayaa dunida waxaa laga xusaa maalinta dhalinyarada adduunka .