Somali News

R/Wasaaraha Thailand oo shaaciyey inuu is casili doono

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaaraha dalka Thailand ayaa balan qaaday in uu is casili doono, haddii aysan joogsan dibad baxyada dalkaasi.

Sidaas ay tahay, waxaa weli sii xoogaysanaya dibad baxayada looga soo horjeedo raysal wasaaraha dalkaasi iyo Xukuumaddiisa.

Waxa uu amar ku bixiyay raysal wasaaruhu in Booliiska dalkaasi ay ka hortagaan dibad baxyada ku sii fidaya gudaha dalkaasi iyo magaalooyinka waaweyn.

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday shacabka dhigaya dibad baxyada,in ay xaaladda dejiyaan, guryahoodana ay ku laabtaan, si loo dhowro xasilinoodi dalka.

Balse dibad baxayaasha oo aad u cadheysan awgeed, ayaa dhagaha ka awtay hadalka raysal wasaarah.