Somali News

Reysal Wasaare Kheyrre oo hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Muqdisho-KNN-Reysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo ku guuleestay doorashadii maanta ka dhacay Garowe.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu hambalyo ugu diray Madaxweyne Deni, sidoo kale Shacabka Puntland ayuu ka dalbaday in lala shaqeeyo.

“Waxaan u hambalyeynayaa madaxweynaha la doortay ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Dani. Waxaan Alle uga baryayaa in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday. Shacabka & mas’uuliyiinta Puntland-na waxaan ugu baaqayaa in lala shaqeeyo madaxwayne Siciid”. Ayuu yiri Mr Kheyrre.

Inkastoo Reysal wasaare Kheyrre si deg deg ah uga hadlay doorashadaan, ayaa hadane waxa uusan weli ka hadlin ama soo hadal qaadin Xukuumadiisa doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, oo ay ka soo wareegatay ku 20 cesho.