Somali News

Roob dabeylo wata oo ka da’aya qeybo ka mid ah deegaanada Puntland

Garowe-KNN-Wararka ka imanaya degmada Xaafuun ee gobolka ay Puntland ula baxday Karkaar ayaa sheegaya in halkaas uu ka da’ayo Roob dabaylo wata oo khasaare hantiyeed gaystay.

Khadadka taleefannada deegaanka ayaa go’an, waxaana la sheegayaa in tiro guryo ah dumeen, kuwaas oo ay ku jiraan shirkadaha Isgaadhsiinta ee deegaanka.

Sidoo kale roobka ayaa tan iyo waaberigii hore ee saakay ka da’aya gobolka Bari, qeybo ka mid ah Sanaag iyo gobolka ay Punland ula baxday Gardafuu.

Wasaaradda Gargaar iyo Maareynta Masiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay digniin sheegeysa in roob dabeylo wata uu saacadaha soo socda ka di’i doono gobollo ay Bari ugu horeyso.

Wasaaradda ayaa dadka ku nool dhulka xeebta ah uga digtay, saameyn ka soo gaari karta dabeylahaas, waxaana dad laga dalbaday inay ka fogaadaan dhulka xeebaha ah.