Somali News

Rooble oo laba wasaaradood iyo M/Gobolka u xil saaray wax ka qabashada xaalad ka taagan Muqdisho

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay la xanuunsayaan dadka Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlayay shirka banbaxa Golaha Wasiirrada ee maanta ka bilowday Muqdisho, ayaa faray wasaarrada wasaaradaha arrimaha gudaha iyo maareynta masiibooyinka inay u gurmadaan dadka danta yare e roobabku saameynta ku yeesheen.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa mar kale maamulka gobolka Banaadir ku amray maareynta dhibaatadii ka dhalatay roobabka, dadkana lala gaaro gurmadka ay u baahan yihiin.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaar in gurmadka ay qeybtooda ka qaataan.

Hoos ka daawo

https://www.facebook.com/OPMSomalia/videos/2780001885613699