Somali News

Rooble oo war ka soo saaray musuq maasuqa kadib kormeer uu ku tegay dekedda iyo meelo kale + Sawirro

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe ee dalka iyo Dekedda magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay sii dardar gelinayso qorsheyaasha ka dhanka ah musuqmaasuqa iyo ku tagri-falka hantida iyo awoodda dowladnimo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulammo kula yeeshay Madaxda iyo mas’uuliyiinta hay’adahan goobahooda shaqada, isagoona ka dhageystay warbixinno ku saabsan hannaanka hufnaanta maaliyadeed ee adeegyada ay u hayaan bulshada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble oo dul istaagay tallaabooyinkii horay loo qaaday ee ka dhan ahaa musuq maasuqa ee ay ka mid ahayd in sharciga la horkeenay mas’uuliyiin dowladeed oo ku eedaysanaa xatooyo xoolo dadweyne ayaa sheegay in la sii xoojin doono tallaabooyinkaas, iyadoo xukuumadda ay ka go’an tahay dhowridda ammaanada ay u heyso shacabka Soomaaliyeed, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay Madaxda iyo howlwadeennada ilaha dakhliga ee uu booqday in ay sii dardar geliyaan shaqadooda, si kor loogu qaado dakhliga dalka oo saameyn xoog leh uu ku yeeshay cudurka Coronavirus oo ku baahay guud ahaan caalamka.