Somali News

Ruushka iyo Turkiga oo bilaabay hir gelinta dhismoyaal dhuumo saliida qaada

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhiggiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bilaabay hir gelinta dhismoyaal Mashaariic dhuumo saliida qaada oo gaynaya dalka turkiga iyo dalal kale oo saaxib dhow la ah xukuumada mosocow oo ku yaala koonfurta yurup.


Dhuumahan oo 930 Kiiloo Mitir ku jira gunta hoose ee Badda Madow ayaa si tijaabo ahaan ah waxaa looga shaqaysiiyay arbacadii maanta.

Hoggaamiyeyaasha Dalalkan ay ka qeybgalay xaflad furitaan mashruucan baaxada wayn oo in mudo ah laga soo shaqaynayay.

Madaxdii halkaasi ku sugnayn waxaa kamid ahaa Madaxweynaha Serbia Aleksandar Vukik iyo Raiiselwasaaraha Bulgaariya Boyko Borissovalso madaxwaynaha turkiga iyo dalal kale.

Ruushka ayaa doonaya in uu sii balaariyo saamayntiisa yurup inteeda kale iyadoona Talaabadan loo arko in wax badan dhaqaalihiisa ay ka badali karto.