Somali News

RW Kheyre oo gaaray Gurceel

Gurceel-KNN-Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa safar dhulka ah ku gaaray Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay kusugayeen boqolaal shacab ah oo u diyaar garoobay soo dhaweyntooda.

Kheyre oo safarkiisa ay ku wehliyeen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal iyo Taliyaasha Ciidamada Soomaaliya oo ka soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu soo dhoweeyey magaalada Gurceel, waxaana la filayaan in goor dhow uu fagaaraha kula hadlo dadka reer Gurceel.

Kheyre ayaa lagu wadaa in uu caawa ku hoydo magaalada Gurceel, waxaa la sheegay in kulamo looga hadlayo dhismaha maamulka Galmudug uu la yeelan doono Odayaasha dhaqanka  iyo maamulka degmada Gurceel.