Somali News

RW Kheyre oo shirka rugta ganacsiga ku soo xiray Garowe

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa magaalada Garowe ku soo xiray shir rugaha Ganacsiga dalka.

Shikaas oo mudo labo maalin ah ka socday magaalada Garowe ayaa markii uu soo xirayay Ra’iisul wasaare Khayre waxa uu ka sheegay in dawladdu si dhaw ula shaqanyso ganacsatada ayna bogaadinayso dowrkooda ku aadan horumarinta, ganacsiga, dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay ganacsatada iyo hoggaanka rugaha ganacsi ee dalka in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga dhexdoodaa, sibuu yiri dalkeenu ugaaro isku filnaasho uuna u horumaro ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Arrimaha ay shirkooda uga hadleen rugaha ganacsiga dalka, ayaa waxaa kamid ahaa suuq geynta waxsoosaarka dalka, iyo sidii shirkadaha Soomaaliyeed uga qayb geli lahaayeen carwooyinka iyo bandhigyada lagu qabto suuqyada heer gobol iyo heer caalami.