Somali News

RW ku xigeenka dalka iyo wasiir kale oo maanta lagu dhaariyey kulanka golaha shacabka

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta kulanka xildhibaanada golaha shacabka lagu dhaariyey ra’iiusl wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah.

Labadan masuul ayaa ka maqnaa kulankii lagu ansixiyey golaha cusub ee wasiirrada xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble, kaas oo lagu dhaariyey dhamaan wasiirrada kale ee xukuumadda.

Xubnahan ayaa xilligaas safar ugu maqnaa dalka dibadiisa, gaar ahaan dalka Uganda, halkaas oo ay uga qeyb galeen munaasabad xarigga looga jarayey warshad soo saarta Sonkorta oo ay dalkaas ka hir-gelisay gabar Soomaaliyeed.

Ajendayaasha kale ee kulanka maanta ayaa kala ah, 1 -Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka adeegyadda baaritaanka beeraha Soomaaliyeed.

2 -Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka  dhismaha hey’adda diiwaangalinta iyo bixinta aqoonsiyada dadweynaha.

3 -Iyo u codeyta wax ka bedelka sharciga Hantidhawraha guud ee dowladda Soomaaliya.