Somali News

RW Rooble oo doorashada dalka warbixin ka siiyey Golaha Ammaanka ee QM

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, shirkaasi oo ahaa mid Golaha Ammaanka xog lagaga siinayey hawlgallada Qaramada Midoobay ee UNSOM iyo hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Shirka waxaa ka hadlay labada ergay ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika James Swan iyo Francisco Madeira oo labaduba ka hadlay doorka ay kaga jiraan taageerista geeddi-socodka xasilinta iyo dawladnimada Soomaaliya.

Waxaa iyaguna ka hadlay wakiillada xubnaha Golaha Ammaanka oo ay ka mid yihiin wakiillada Maraykanka, Britain iyo Faransiiska.

Waxaa shirkaas hadal ka jeediyey oo soo gabagabeeyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay heshiiskii ay gaareen madaxda dalwadda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inay Soomaaliya ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka horraanta sannadka soo socda ee 2021-ka.

Waxa uu Ra’iisul Wasaare Rooble sheegay inay ka go’an tahay qabashada doorasho xor ah, isla markaana ku dhacda waqtigeedii.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in la ilaalinayo qoondada haweenka ee baarlamaanka oo ah 30%, iyo ka qaybgalka dumarka ee heerarka kala duwan ee dawladda.

Waxa uu sheegay inuu xafiiskiisu guddi u saaray soo dejiya tubta loo marayo doorasho qof iyo cod ah oo waddanka ka dhacda 2024/2025, waxaana uu sheegay inay durba soo gudbiyeen qoraal qabyo ah kaasi oo la hordhigi doono Golaha Wasiirrada.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inay dawladdu baarlamaanka u gudbin doonto xubnaha guddiyada la dagaalanka musuq-maasuqa iyo guddiga xuquuqda aadanaha