Somali News

RW Rooble oo kala diray Guddiyadadii Doorashada

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee qabtay Doorashadii dhowaan la soo gaba gabeeyay, isaga oo uga mahad celiyay Shaqadii ay soo qabteen.

Qaraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in shaqada Guddiyada Doorashada ay ku ekeyd Doorashadii Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’iisul waasaraha ayaa xusay in Kuraastii ay Guddiyada hakiyeen Doorashadooda ay qabanayaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran.

Qoraalka Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya, in saacadaha soo socda ay Guddiga Doorashooyin Heer Federaal qorsheynayaan in la fasaxo Kursiga HOP-086 oo uu ku fadhiyo Fahad Yaasiin, balse Guddiga sheegeen in aan habraacii saxda ahaa loo marin, isla markaasna la hakiyay.

Hoos ka akhriso