Somali News

RW Rooble oo kormeer ku tagay dhismaha xarunta Xukumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeer ku tagay dhismaha xarunta Xukumadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo heer gabogebo ah maraya.

Ra’iisul Wasaare Rooble kormeerkiisa dhismaha xarunta Xukumadda iyo xafiiskaba waxaa ku wehlinayay Mas’uuliyiin oo ka mid yahay Wasiir ku-xigeeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer kala duwan ku sameeyay qeybaha kala duwan ee xarunta Xukumadda iyo xafiiska, isagoo warbixiin kooban ka dhageystay howlwadeenada Xafiiska iyo kuwa u xilsaaran dhimasha Xarunta oo heer gabogebo ah mareysa.