Somali News

RW Rooble oo ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka Al-Shabaab

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka tacsiyadeeyey dadkii caawa lagu dilay qaraxii ka dhacay Muqdisho ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxii argagixisadu caawa la beegsadeen maqaaxi ay dad shacab ahi ku sugnaayeen magaalada Muqdisho” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Inta la xaqiijiyey Todoba qof ayaa ku geeriyootay, ku dhawaad 10 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray qaraxaas oo ka dhacay maqaayad ku taalla meel aan sidaas uga fogeyn isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.



Ra’iisul wasaaraha ayaa dadkii dhintay Allaah uga baryey Janadiisa, isagoo inta dhaaca ahna caafimaad Alle uga baryey,”Eebbe ha u naxariisto intii dhimatay, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo” ayuu yiri.

Rooble oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa bulshada ugu baaqay in loo midoobo la dagaalanka Al-Shabaab oo loo tiirinayo inay geysteen qaraxaan iyo guud ahaan weerarrada dadka lagu dilo ee dalka ka dhaca.

“Waa in aan u midownaa la dagaallanka argagixisada si aan dalkeenna iyo dadkeenna uga badbaadinno” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas, waxayna sheegeen inay ku dileen saraakiil ka tirsan dowladda, balse dadka dhintay ayaa dhamaantood ahaa dhinyaro aqoonyahano ahaa oo meelo kala duwan ka shaqeyn jiray.